Ururka Midowga Yurub ayaa si adag uga horyimid tallaabadii shalay kalsoonida loogala noqday Golihii Xukuumadda, ee uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.
Madaxweyne Kuxigeenka Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa War Saxaafadeed uu goor dhow soo saaray waxaa uu ku sheegay inay nasiib darro tahay wixii Sabtidii shalay ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka, ayna horseedi doonto dib u dhaca Somaliya iyo kalsoonidii uu ku qabay Midowga Yurub.
“Nasiib darro, arrimaha ka dhacay Golaha Shacabka Somaliya Sabtidii, waxay dib u dhac ku yihiin Somaliya iyo kalsoonidii Midowga Yurub uu ku qabay horumarka Somaliya.” Ayuu yiri Josep Borrell.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa War Saxaafadeedka ku sheegay in hannaanka loo maray kalsooni kala noqoshada Xukuumaddii Khayre aynaan waafaqsanayn Dastuurka Qaranka.
“Hannaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda, xitaa ma aysan buuxin shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Midowga Yurub.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ficilada ceynkani oo kala ah, ay ixtiraam darro ku yihiin aasaasidii Dastuurka Dalka, ee maal-gelintiisu uu lahaa Ururka Midowga Yurub.
“Ficiladan waxay xushmad darro weyn ku yihiin aasaasiga dastuuriga ee Somaliya ee Midowga Yurub uu maal-gelinayay.” Ayuu yiri Josep Borrell, Madaxweyne Kuxigeenka Midowga Yurub.
Borrell ayaa sidoo kale War Saxaafadeedkiisan ku sheegay in Midowga Yurub uu si taxadar leh u eegi doono ciddii ka masuulka ahayd arrintaasi iyo weliba cidda ay tahay inay masuuliyadeeda qaaddo.
“Midowga Yurub wuxuu si taxadar leh uu dib ugu eegi doonnaa, sida ay ku yimaadeen dhacdooyinkan iyo cidda qaadeysa masuuliyadda iyo heerka ay Somaliya ka weecin karaan horumarkii ay sameyneysay.” Ayuu yiri Mr. Borrell.
Hadalka adag ee ka soo yeeray Ururka Midowga Yurub ayaa xoojinaya warkii xalay ka soo yeeray Xukuumadda Washington, ee lagu dhaliilay dhabihii loo maray kalsooni kala noqoshada Golihii Wasiirada, ee Xasan Cali Khayre uu garwadeenka ka ahaa.