Maamulka Gobolka Banaadir oo xarrigga ka jaray dhismaha Waddo Inter-lock ah.

Muqdisho:-Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan Iimaan iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta Gobolka Basma Caamir Jaketti ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Waddo Inter-lock ah oo laga sameynaayo degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir. Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir ayaa bulshada degmada kula dardaarmay in ay ilaashadaan