Galmudug oo markii ugu horeysay yeelatay ciidan Daraawiish ah (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee maanta cutubkii ugu horeeyay oo Daraawiish ah tababar ugu soo xiray Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidankan ayaa billihii la soo dhaafay uu tababar uga socday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug, halkaasoo gelinkii dambe ee maanta tababarka loogu soo xiray.

Ciidanka tababarka loo xiray oo la leylinayey muddo dhawr bilood ah ayaa noqonaya dufcaddii 1aad ee ka baxda Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug oo khudbad u jeediyay Ciidanka Daraawiishta ayaa wuxuu faray inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan deegaankooda iyo dadkooduba, isla-markaana ay ka difaacaan cadowga.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi iyo Saraakiishii tababarka bixineysay ku ammaanay, sida wanaagsan ee ay ciidanka u diyaariyeen.

Tani ayaa waxay sii xoojineysaa dadaalada uu Maamulka Madaxweyne Qoorqoor, uu ku xoojinayo dhismaha Galmudug-ta cusub, ee horaan kala qaybsaneyd.

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in Ciidanka Daraawiishta loo aasaasay inay maleeshiyada Al Shabaab ka xorooyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug, sidoo kalana ay kala dhex-galaan beelaha, haddii ay isu dhacaan.

DOOXO NEWS DHUUSAMAREEB