Arsenal Oo Guul Weyn Ku Bilaabatay Kulamadeeda Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub, MK Dons Ayay Garaaceen

Kooxda Arsenal ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda MK Dons kulan ka dhacay garoonka Stadium MK iyada oo Arsenal si fiican ku bilaabatay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

24 maalin kadib markii ay ku guulaystay FA Cup-ka waxa ay ciyaartay kulankoodii ugu horeeyay ee saaxiibtinimo.

Daqiiqadii 4-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xididga khadka dhexe ee Mohamed Elneny Kaas oo ka soo laabtay amaah uu kooxda kaga maqnaa.

Arsenal ayaa sii waday goolasha kadib markii uu xiddiga Eddie Nketiah dhaliyay goolka 2-aad ee Gunners kuwaas oo ku gacan sareeyay ciyaarta.

Kooxda MK Dons ayaa daqiiqadii 31-aad dhalisay goolka ugu horeeya kadib markii uu xiddiga daafaca uga ciyaara Arsenal ee Rob Holdign si khaldan gool uga dhaliyay kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Arsenal iyo xiddiga Nketiah ayaa laga diiday gool ka hor inta uuna xiddiga Mark McGuinness goolka 3-aad u dhalin Arsenal daqiiqadii 60-aad.

Xiddiga da’yarka ah ee Nelson ayaa dhaliyay goolka 4-aad ee Arsenal kadib markii rikoodhe loo dhigay kooxdiisa sidaasna Arsenal ku gaadhay guul weyn.