Bannaanbaxayaal Itoobiyaan ah oo Siibay Calanka Safaaradda Itoobiya ee London

Bannaanbaxayaal Itoobiyaan ah ayaa ku hor bannaanbaxay Safaaradda Itoobiya ku leedahay London.

Bannaanbaxayaashu waxay dalbanayeen sii daynta siyaasiyiinta Oromada uu ka mid yahay Jawaar Maxamed oo uu taliska Abiy Axmed xabsiga u taxaabay si aysan ula loollamin xisbiga uu camcamay oo la yiraahdo Xisbiga Badhaadhaha.

Safaaradda Itoobiya ee London: Wiil Oromo ah oo calanka Itoobiya siibaya.

Mid ka mid ah bannaanbaxayaasha ayaa koray daarta safaaraddu ku taallo oo soo furay calanka Itoobiyo si uu ugu beddelo calanka qowmiyadda Oromada oo hadda colaad siyaasadeed oo ba’an kala kulantay Abiy Ahmed oo magaca Oromada ku noqday Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

Safaaradaha Itoobiya ku leedahay reer Galbeedka ayaa kala kulmay jaalliyadaha Itoobiya cadaadisyo siyaasadeed qalalaasaha ka aloosan Itoobiya awgiis. Itoobiya xaalladdeeda siyaasadeed waxay maraysaa marxalad adag oo qowmiyaduhu kala sii aammin-baxeen.

Gobolka Tigray ayaa bisha soo socota qaban doona doorashooyin welwel badan ku abuuray kelitaliska cusub uu Abiy Axmed horwadeenka ka yahay.