Waare oo safar dhulka ku tagay Degmada Warsheekh (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagay Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Talaadadii waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay bulshada ku dhaqan, oo ay horkacayeen Masuuliyiinta Degmada iyo Golaha Deegaanka.

Madaxweynaha ayaa Degmada Warsheekh ka daahfuray gogol dib u heshiisiineed, oo ay tahay in loo qabto qaar ka mid ah beelaha degga Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo dhinaca kalana uu xariga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay degmadaasi.

Dhanka kale Madaxweyne Waare ayaa la kulmay Maamulka Degmada iyo Xubnaha Golaha Deegaanka, oo uu ka wareystay arrimaha deegaankooda. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay inay xoojiyan midnimada iyo ammaanka degmada ku taala Xeebta Badweynta Hindiya.

Madaxweyne Waare waxaa socdaakiisan ku wehlinayay Wasiirka Dib-u-heshiisiinta Hirshabelle, Wasiir Kuxigeeno, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Guddoomiyaha Degmada Balcad iyo xubno kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *