Weerar dhinaca cirka oo ka dhacay Koonfurta Somaliya ayaa waxaa lagu qaarajiyay Cabdulqaadir Cismaan Yarow (Cabdulqaadir Kumaandoos), oo ka tirsanaa Saraakiisha Al Shabaab.
Duqeynta oo ka dhacday tuulada Cadaad-gari oo ku taala deegaanka Xabiibiyaal, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor ee Gobolada Gedo & Baay.
Sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka SONNA hawlgalka oo barqanimadii maanta la fuliyay waxaa lagu dilay Cabdulqaadir Cismaan Yarow, oo Shabaabka dhexdiisa looga yeeri jiray Cabdulqaadir Kumaandoos.
Hawlgalkan ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiisha Mareykanka, ee hoggaamineysa weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah mintidiinta Al Shabaab.
Cabdulqaadir Kumaandoos ayaa horey u soo noqday Madaxii Ciidanka Jabhadaha ee Ururka Al Shabaab, isagoona ka soo qayb qaatay dagaalo badan, oo Shabaabku ka gaysteen Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.
Haddii sida la sheegay la xaqiijiyay dilkiisa waxay ka dhegan tahay in Shabaabku markale waayeen shakhsi muhiim ugu ahaa dhanka hawlgelinta.