Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa waxaa caawa gudaha loogu daadiyay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Xoogaga Haramcad oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyinka ku yaala xaafadda Suuqa Xoolaha, iyagoona baaritaano adag ku marsiinaya gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay.
Ciidamada ayaa waxaa la arkayaa, iyagoo joojinaya gawaarida, kuna sameynaya baaritaano, sidoo kalana xaqiijinaya dadka la socda inaanay amniga halis ku ahayn.
Ciidamada waxay sidoo kale baaritaano ku sameynaya gaadiidka ka imaanaya dhinaca Gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan Degmooyinka Jowhar iyo Balcad.
Ciidamada ayaan weli hawlgalka ku qaban waxyaabo halis gelin kara amniga Caasimadda Muqdisho, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.
Waa hawlgalkii ugu horeeyay oo intii muddo ahba laga sameeyo xaafadda Suuqa Xoolaha, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu amnigeedu ka soo reynayay.
Hawlgalkan waxa uu ku soo aadayaa, xilli Dowladda Somaliya ay markii ugu horeysay Ciidanka Danab u daabushay dhinaca Magaalada Jowhar, si ay isugu furaan wadada Jowhar iyo Balcad, Balcad illaa Muqdisho.