Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in qiimayn lagu sameeyo Hawlgalka UNSOM, lana joojiyo Faragelinta.

Ambassador Abukar Dahir Osman “Abukar Baale” Danjiraha Somalia u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, ayaa wuxuu hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, kadib, markii ay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM jimcihii la soo dhaafay Kulan ka yeesheen Arrimaha Somalia, isla markaana Xilli-kordhin loo sameeyey Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia ee UNSOM.

Qoraalka Danjiraha oo loo gudbiyey Madaxa Golaha Ammaanka ee QM ee bishan Agost waxaa lagu sheegay in la gaaray Xilligii qiimeyn lagu samayn lahaa Waajibaadka Shaqo ee Xafiiska UNSOM, iyadoo DFS ku eedeysay inay yar tahay Awoodda UNSOM ku bixinayso Taageeradda Siyaasad iyo Farsamo ee Ajendaha Dowlad-dhiska Somalia.

 

UNSOM waxaa kaloo lagu eedeeyey inay hoos u dhigaan Horumarka DFS, isla markaana uu Xafiiska UNSOM warbixintiisa saddex Biloodlaha ku soo gudbiyaan fal-celinta Dhacdooyinka Somalia.

Danjiraha waxa kale oo uu Qoraalka u uu gudbiyey Madaxa Golaha Ammaanka ee QM ku muujiyey inay DFS ku tallaabsatay Horumar sanadihii la soo dhaafay, balse, ay UNSOM u muuqato inaysan baahinin Dadaalka iyo Himilooyinka DFS ee la xaqiijiyey.

Ambassador Abukar Baale waxa uu Qoraalkiisa ku xusay inay muhiim tahay inay DFS hoggaamiso dadaalka Dib-u-dhiska ee Somalia, wuxuuna xusay inay DFS ku baaqayso in la ilaaliyo Madax-bannaanideeda, lagana digtoonaado Faragelinta Arrimaha Gudaha Somalia, gaar ahaan Xilliga Doorashooyinka.

 

Qoraalka waxaa looga codsaday Golaha Ammaanka ee QM iyo Saaxiibada Beesha Caalamka inay DFS ka taageeraan dadaalka, iyadoo ay Daneeyayaasha Siyaasadda ee muhiimka ka ah Somalia ku heshiiyeen Qaabka doorashadda.

Dhinaca kale, Qoraalka Cabashada ee uu Danjiraha Somalia u jooga Xarunta Dhexe ee QM waxay ku soo beegantay, iyadoo uu Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM, Ambassador James Swan u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM Warbixintiisa saddex biloodlaha oo uu kaga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Somalia.

Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo u codeeyeen in muddo hal sano ah lagu kordhiyo Xilli-hawleedka UNSOM ilaa laga gaarayo 31-ka bisha Agost ee sanadka soo socda ee 2021-ka.