Xilli la hadal-hayey inay Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug soo gaari doonaan magaalladda Muqdisho ayaa waxaa saacadihii u dambeeyey soo baxay war lagu sheegay inay Labada Madaxweyne maanta baaqdeen, balse, ay berrito ku soo wajahan yihiin Muqdisho.
Lama sheegin Dib-u-dhacooda, balse, ilo-wareedyo ayaa sheegaya inay jiraan sababo keenay dib-u-dhacooda
Ciiddamo aad u hubeysan oo ka mid ah Ilaaladda Madaxweyne Deni ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, kuwaasi oo la sheegay inay sugayaan Ammaankiisa iyo Wafdiga la socda.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo loo arko inay Isbahaysi Siyaasadeed leeyihiin ayaa waxay ka qeyb geli doonaan Shirar Wada-tashi oo ay la geli doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ergooyin ka socda Beesha Caalamka.
Dhanka kale Kulamadaasi ayaan la ogeyn in Heshiis waafi ah oo loo dhan yahay laga gaari doono Dib-u-eegista Qoddobadii laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni qaadaceen.