Sii hayaha ra’iisulk wasaaraha oo kulan la qaatay khubaro xagga dhaqaalaha ah

Sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda maaaliyadda iyo Khubaro xagga dhaqaalaha ah.

Kulanka uu Mahadi la yeeshay Khubarada dhanka dhaqaalah ayaa diiradda lagu saaray sida loo horumarin karo nidaamka maamulka maaliyadda dalka iyo dowlad wanaagga.

“Waxaan maanta warbixin ku saabsan xaaladda dib u habeynta dhinaca dhaqaalaha ee dalka ka dhageystay wasiirrada ku shaqada leh iyo khubaro. Waxaan si aad ah uga shaqeyneynaa xoojinta dhaqaaleheenna, horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda ee qaranka iyo dowlad wanaagga. Waxaa naga go’an in aan xaqiijinno guul dhaqaale iyo maaliyadeed oo dalkeennu gaaro” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitterka.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa Shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF oo qeyb ka ah hannaanka lagu hubinayo sida ay dowladda Soomaaliya usoo buuxisay shuruudihii deyn cafinta.

Ugu dambeyn Wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ee ka tirsan tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la faray inay qeybta uga aadan ka qaataan qorshaha deyn cafinta dalka si loogu guuleysto dhammaan shuruudaha logu gaarayo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.