Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, oo kulan gaar ah garoonka diyaaradaha Muqdisho kula qaatay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa safiirka u caddeeyay in aysan aqbali dooni heshiiskii Dhuusamareeb 3, haddii aan laga saarin qodoba ay diiddan yihiin.
Labada madaxweyne, waxay kulanka ka sheegeen in heshiiskii arrimaha doorashada ee Dhuusamareeb 3, aysan wax talo ah ku lahayn, islamarkaana ay ku jiraan qodoba muujinaya in madaxweyne Farmaajo uusan doonayn in ay qabsoonto doorasho heshiis lagu wada yahay oo wakhtigeeda ku dhacda.
Deni iyo Axmed Madoobe, waxay soo bandhigeen saddex qodob oo ku jira heshiiskii Dhuusamareeb 3, kuwaas oo ay ku tilmaameen qodoba Madaxweyne Farmaajo soo qortay, si uu marin-habaabin ugu sameeyo arrimaha doorashada.
Saddexda qodob waxay kala yihiin; in doorashada looga dambeeyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xaliimo Yareey hoggaamiso, in doorashada xisbiyo siyaasadeed lagu galo iyo in maamul kasta saddex magaalo laga qabto doorashada.
Labada madaxweyne, ayaa safiirka u xaqiijiyay in heshiiskii Dhuusamareeb 3 ay qayb ka noqon karaan, haddii laga saaro saddexdaasi qodob, balse aysan wax wada-xaajood ah ka geli doonin inta saddexdaasi qodob ku jiraan heshiiska.
Safiirka Maraykanka oo gar-wadeen ka ah wada-hadalka Muqdisho, ayaa Deni iyo Axmed Madoobe u ballan-qaaday in uu madaxweyne Farmaajo cadaadis ku saari doono sidii turxaan-bixin loogu samayn lahaa heshiiskii Dhuusamareeb 3.