Hambalyo: Madaxweyne Formaajo wuxuu Soomaaliya ka tagey iyadoo ay jirto dowlad dhaxe oo awood badan…

Hambalyo: Madaxweyne Formaajo wuxuu Soomaaliya ka tagey iyadoo ay jirto dowlad dhaxe oo awood   Badan oo dalka oo idil laga maamulo Muqdisho. Gudoomiyaasha Gobolladana Muqdisho dikteeto madaxweyne lagu magacaabo wuxuuna Soomaaliya ku soo noqdey iyadoo dowlad federaal ah ay dalka ka dhisan tahay oo awoodii dowladda dhaxe gedigeed lagu soo koobey 4 awooddood.
1- Difaaca. 2- Arimaha Dibadda. 3- Jinsiyadda iyo Socdaalka. 4- Siyaasadda Lacagta. Awooddaha intaas ka baxsan ay tahay in Dowladda Federaalka ay kala xaajooto dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka sida:

Caafimaadka, waxbarashada, beeraha, daryeelka xoolaha, isgaardiinta, ganacsiga iwm. Waana sababta Wasiir Goodax Barre iyo Puntland isku fahmi la’yihiin arimaha ku saabsan waxbarashada.

Madaxweyne Formaajo wuxuu Madaxweyne ka noqdey dal uusan ku qanacsanayn Dastuurka u yaal wuxuu damcey in Madaxweyne Axmed Madoowe iyo Saciid Deni ula dhaqmo sida godoomiyaal gobol asaga magacaabey, wuxuu kaloo isku dayey in Jubbaland iyo Puntland madaxweyne ugu dhigo rag asaga wato, weyna u suurtageli weydey. Jubbaland oo lagu duullaa iyo Puntland oo khalkhal la geliyaana fashil bey ku soo dhamaadey.

 

Axmed Madoowe iyo Saciid Deni waxey isku arkaan rag guulleystey oo madax ka ah Dowlad Goboleedyo xubin ka ah Dowladda Federaalka oo saameeyn Xooggan ku leh dowlad dhisida Soomaaliya. Laba kala barisey kala war la’.

Dad badan ayaa weli ku wareersan oo aan fahmin in Soomaaliya nidaam federaal ah qaadatey. Dastuurka dalka u yaalna uu yahay Federaal oo awooddu qaybsan tahay. Talo wadaag, is ogol, isku tanaasul iyo Dastuurka dalka oo la ilaaliyo keliya in ay ku dhismi karto dowladnimada Soomaaliya.

Ilyas Mohamud Hussein