“Messi mar hore ayuu ka tagay Barcelona” – halyeey kooxda Real Madrid ah

 Laacibkii hore kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Jorge Valdano ayaa wuxuu ka hadlay sida uu u arko mustaqbalka laacibka ay isku wadanka yihiin ee kooxda Barcelona Lionel Messi.

Sida uu shaaca ka qaaday wargeyska “Marca” ee dalka Spain Jorge Valdano ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Messi ee kooxda Barcelona, wuxuuna yiri:

“Haddii Messi uu ku biiro koox kale ama uu ku laabto waddankiisa, mar hore ayuu ka tagay Barcelona, ​​shaki iigama jiro taas”

“Mar kasta oo sida ugu dhaqsaha badan ku aqbasho Barcelona xaqiiqda ah inay lumisay ciyaariyahankeedii ugu fiicnaa, waxaa sii xoogeysanaya diirad saarida dib u dhiska kooxda, sababtoo ah 33 jirkaan ma awoodi doono inuu Barca ka saaro xaaladaan markale, laakiin wuxuu doonayaa kaliya inuu sii ahaado Lionel Mesi”.

Sida laga soo xiganayo wargeyska Spanish-ka ah ee Cadena Ser, Manchester City ayaa dardar galineysa soo qaadashada Lionel Messi si ay uga dhabeeyaan damacooda ah ku guuleysiga tartanka UEFA Champions League.

Man City ayaa diyaar u ah iney Messi u gacan galiso heshiis gaaraya labo sano haddii ay ku guuleystaan inay xagaagan kasoo qaataan kooxda Barcelona.