SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, kadib Safar uu kaga soo ambabaxay Magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Duqa Muqdisho Cumar Filish, Wasiiro, Xildhibaano iyo qaar ka mid shacabka Magaalada Muqdisho ayaa ka qayb qaatay soo dhaweynta maanta loogu sameeyay Garoonka Aadan Cadde Madaxweynaha Puntland.

Soo dhaweyn kadib ayaa Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland waxaa la sheegay inay kulan gaar ah Garoonka Aadan Cadde kula qaateen Safiirka Mareykanka u fadhiya Somaliya.

Safiirka & labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka & sidii heshiis wada ogol ah looga gaari lahaa hanaanka doorashada Somaliya.

Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland & Puntland ayaa inta ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho kulamo la qaadan doona Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

DOOXO NEWS MUQDISHO