Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa kulan la yeeshay Guddoomiya Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xubno kale oo ka tirsan Aqalka Sare
Mr.Deni ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta Aqalka sare waxaana uu kulan uu la yeeshay sida la sheegay Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dani ayaa ku Caan baxay Mucaaridnimada Dowlada Dhaxe isagoo kulamo la sameynaya inta uu is leeyahay waa kugu mowqif
Inta uu ku sugan yahay Xarunta Aqalka sare ayaa waxaa uu kala hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, waxaana ugu horreeya waxyaabaha uu kala hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.
Dhanka kale Deni oo malmahaan ku sugnaa Muqdisho ayaa wada hadallo iyo sidoo kale kulamo kala duwan waxaa uu la leeyahay mas’uuliyiinta Mucaaradka iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Mucaaradka Soomaaliya.