Waxaa maanta Hotel Peace ee Magaalada Muqdisho lagu soo geba-gabeeyay tababar loogu talagalay ka wecyigelinta dadweynaha ee ilaalinta iyo nadaafadda ee Xeebaha.
Tababarkan oo soconayay muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa iska kaashaday Maamulka Degmada Xamar Weyne iyo Hay’adda NIS Foundation.
Dadka tababarka la siinayay oo hablo u badan ayaa la baray, sida ay dadweynaha uga wecyigelin karaan in qashinka laga ilaaliyo Xeebaha, iyadoo markaasi laga duulayo muhiimadda ay bulshada u leedahay inay hellaan xeeb ka caagan waxyaabaha wasaqeysan.
Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir (Carab), Gudoomiyaha Degmada Xamar oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadka laga wecyigeliyo qashinka ay ku shubaan Xeebaha.
Degmada Xamar Weyne ayaa ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, ee kuleela Badweynta Indian, waxaana maalmaha fasaxa, sida Jimcaha u damaashaad tagga boqolaal dadweyne, oo isaga kala yimaada 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.
Xamar Weyne ayaa ku caan ah Xeebta Suganta Liido, oo macnaheedu yahay Liidada Labaad ama Liido 2, waxayna ku taallaa meel ku dhow halka kala qaybisa Degmooyinka Xamar Weyne iyo Shangaani.