Xildhibaan Jeesow: Yamamoto iyo James Swan waxay madaxdeena culeys ku saareen inay la fariistaan Axmed Madoobe

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu xabsiga dhiggo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), xilli uu iminka ku suganyahay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo maanta ka hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday Madaxweynaha inuu tixgeliyo rabitaanka bulshada, isla-markaana uu xabsiga u taxaabo Madaxweynaha Jubbaland.

“Xildhibaan Dowladda Federaalka ah oo muddo badan kula soo shaqeeyay afartii sano ee aad joogtay jecel dalka wanaagiisaan ahay, tixgeli intaan meesha fadhisa codsigooda, Axmed Madoobe xabsiga ha u hoydo.” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Isagoo duraaya Beesha Caalamka ayuu yiri “Beesha Caalamka waxaan leeyahay waxaad na barteen waxaad ka bideenaa nooga daran, waxaad noo sheegteen dimuqraadiyad wax la yiraahdo oo aad wadamadiina ku dhaqdiin, hanti aad ku bixiseen horumarinteeda, ilmaha aad wax soo barteen ee wadankeena ku soo noqday dimuqraadiyadiiyee aaminsan yihiin, laakiin waa been waxa aad wadiin.”

Waxa kaloo uu yiri “Axmed Madoobe laba qof iyo saddex qof ii soo qor qofkii i doortaa kala baxaa ayaad ku taageerteen, dimuqraadiyadii aaway? Mareykanka, Ingiriiska meel walbo waxaad sheegeyseen waad ku fashilmateen, fashil waaye xaqiiqatan.”

Jeesow ayaa intaa ku daray “Aniga waxaan aaminsnahay in wax walba runta laga sheego, Yamamoto iyo James Swan waxay cadaadis ku saareen dowladeena iyo madaxdeena nin yiri laba qof iyo saddex qof ii soo qor, qofkii i doortaana kala baxayaa. Farmaajo taasuu sameynaya bal diida hadana idinka, bal taas haddii la sameeyo ha diidaan.