Madaxweyne Farmaajo, Deni & Madoobe oo maanta yeelanaya Kulan Sedax Geesood ah.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ku kulmaya Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulankii kan ka horeeyay wuxuu u baaqday shuruudo uu soo bandhigay Axmed Madoobe oo haddii Madaxtooyada Soomaaliya fuliso wada hadalka uu soconayo, waxaana ku taaageeray Siciid Cabdullaahi Deni.

Shuruudahaas waxaa ugu waynaa in Gobolka Gedo laga soo qaado Ciidamada Dowladda Federaalka horay u geysay, gacanta ku heynta maamulkana dib loogu celiyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Tan iyo habeenkii Arbacada waxaa socday dadaalo kala duwan oo xubnaha Beesha Caalamka ku doonayeen inay ku dajiyaan xaaladda siyaasadeed, isla markaana xal loo helo caqabadaha ku horgudban qabsoomida shirkaan saddex geesoodka ah.

Xubnaha Beesha Caalamka oo uu ug dhaq-dhaqaaq badan yahay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa labada Madaxweyne Goboleed kala hadlay sidii aysan u abuuri lahayn caqabado iyo shuruudo horleh oo suuragelin kara in wada hadalka lagu kala tago.

 

Maanta ayaa lagu wadaa in markale la isku keeno dhinacyadaan,iyadoo saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar-gaar ah ayay dhinacyadaan ka wadeen Magaalada Muqdisho, waxaana ujeedka uu yahay sidii wada hadalka loo furi lahaa, isla markaana looga gudbi lahaa caqabadaha aan macnaha badan lahayn balse Shirka dhibaatada ku ah