Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Villa Soomaaliya.(maxay ka hadleen?)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada kula qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo qaatay saacado dhowr ah ayaa looga hadlay Arrimo kala duwan xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrinta Gobolka Gedo iyo shirka u furmaya Farmaajo, Puntland iyo Jubbaland.

Warar ayaa xaqiijinaya in labada dhinac ay arrinta Gobolka Gedo ka gaareen is faham hordhac ah, iyagoo u saaray Guddi min hal xubnood oo ka shaqeynaya qaabka Farsamo ee xal looga gaari lahaa arrinta Gedo.

Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa shuruud ku xiray kulanka isaga, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Farmaajo dhexmari lahaa, isago dalbaday in Dowladda Federaalka Ciidamada ay geysay Gedo ka soo saarto, isla markaana Jubbaland dib gacantooda loogu soo celiyo Maamulidda Gobolka Gedo