Mo Farah oo Jabiyay Rikoodh Cusub oo Dhanka Orodka ah

LONDON(DOOXO NEWS)-Mo Farah oo dib ugu soo laabtay tartannada orodka oo uu muddooyinkii dambe ka maqnaa ayaa Jimcihii jabiyey rikoodhka dunida ee masaafada qof ordi karo muddo saacad ah, waxaanu ku jabiyey tartanka la yidhaa Diamond League oo lagu qabtay magaalada Brussels.

Cayaaryaha Mo Farah ayaa jaray masaafo dhan 21,330 mitir waxaanu sidaa ku jabiyey rikoodhkii uu dhigay sannadkii 2007 Haile Gebrselassie oo ahaa 21,285 mitir.

Tartankan saacadda ah waxay ku tartamaan orodyahannadu masaafada ugu dheer ee qof ku ordi karo mudo lixdan daqiiqadood ah.

Isla Jimcihii Sifan Hassan oo reer Netherlands ah ayaa iyaduna dhigtay rikoodh cusub oo tartanka haweenka ah. Masaafada ay oroday oo ah 18,930 mitir waxay dhaaftay rikoodhkii ay dhigtay Dire Tune sannadkii 2008 oo ahayd 18,517 mitir.

Farah wuxuu tartankii Olomigii Rio u wareegay dhanka orodada dhaadheer ee magaalooyinka dhexdooda ah, laakiin wuxuu dib ugu soo noqday orodada garoomada dhexdooda ah si uu ugu diyaar garoobo inuu ku tartamo 10,000 mitir sannadka dambe ciyaarihii ka dhici lahaa Tokyo ee dib loo dhigay.

Waa tartankii ugu horeeyey ee uu galo tan iyo bishii Oktoobar ee Marathon kii Chigago. Waxaanu Farah daba ordayey Bashir Abdi oo Belgium ah sodonkii daqiiqo ee u dambeeyey. waxaana laga shakisnaa in labadan cayaaryahan midkood uu jabin karo rikoodhkii uu dhigay Gebrselassie markay ordayeen garoonkaas oo aanay joogin taageerayaal dhiirri geliyaa. Laakiin rubuc saacihii ugu dambeeyey ayay dardar hor leh bilaabeen.

Abdi ayaa markii hore hoggaanka u hayey laakiin kama dambaystii ayaa Farah oo lix goor ku guulaystay horyaalka dunidu mijaha kala bixiyey oo uu si sahlan u guulaystay.
Wuxuu ku dhameeyey 53 wareeg midkiiba celcelis ahaan 67 ilbidhiqsi waxaanu sidaa ku noqday orodyahankii 12-aad ee rikoodhkaa qaata.

Farah waxa uu ku noqon doonaa orodada dhaadheer ee wadooyinka marka uu ka qayb galo tartanka nus Marathon ka Antrim Coast ee dhici doona 12 Sebtember.