Wasiirka waxbarashada XFS oo ka warbixiyay manhajka cusub ee ay dowladda soo saartay

Sii hayaha wasiirka Waxbarashada XFS Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa ka hadlay dhowr arrimood oo la xiriira manhjaka cusub ee ay soo saartay Dowladda iyo sidoo kale soo bandhigista natiijada imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee dalka.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono Dugsigii kahor yimaada Manhajka cusub ee Dugsiga sare.

Wasiirka oo oo wax laga weydiiyay arrinta ardayda ku nool Buntilaan ayaa sheegay in waxbarashada Buntilaan la siyaasadeeyay isaga oo maamulka Buntilaan ka dalbaday in ay aqbasho Manhajka Dowladda Diyaarisay ee la dhaqangelinayo sanad Dugsiyeedka 2020/21, si meesha looga saaro cabashada Puntland oo ku saleysan kala duwanaanta ardayda ee dhanka waxbarashada.

“Buntilaan aad ayaa loo siyaasadeeyay, waayo waxa ay doonayaan in la yeelo waxa ay doonaan, Shahaada oo kaliya ayaa muuqata, balse waxaa ku lamaanan waxyaabo kale sida manhajka oo ay qayb ka ahaayeen diyaarinta, balse waa laga fiican yahay in ay diidaan” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale yiri “Qaladaadka dhanka Buntilaan waxa uu leeyahay saameyn taban, waxaa habboon in loo istaago arrintaan, xitaa haddii ay awoodaan waxyaabaha cad ee ku sababay in ay gaar ka ahaan Dowlad Goboleedyada usoo bandhigaan Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Goboleedyada si wax looga qabto, haddii kale walaalahood dhinacooda kasoo raacaan”

Ardayda ku nool Buntilaan ayaan sanadkii labaad ka qeybgalin imtixaanka dowladdu ay qaado, wasiirka waxbarashada ayaan meesha ka saaray in arday aanan galin imtixaanka uu heli doono shahaadada Wasaaraddu bixiso.

Sii hayaha wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in ugu dambeyn todobaadkan la Shaacin doono natiijada imtixaanaadka qaranka ee dugsiyada sare.