Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil maanta nin shacab ah loogu geystay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Marxuumka oo ahaa xoogsato ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Yaasiin Aways Maxamed, kaa soo deegaan ahaa ka soo jeeday magaalada Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya inuu toogtay nin ku hubeysnaa bistoolad, kaas oo u dilay sababo la xiriira jidka oo xirmay ama ciriiri ahaa.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu baxsaday ninkii ka dambeeyey falkan, kaas oo haatan ay ku raad-joogaan ciidamada ammaanka ee Puntland.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay sarraakiisha laamaha amniga Garoowe oo ku aadan dhacdadaasi, waxaase haatan socda baaritaano dheeraad ah.
Garoowe ayaa waxaa maalmihii dambe ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal iyo dhac loo geysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaaladaasi.