Ciidanka Kumaandooska Danab Oo Howlgallo Ka Fuliyay Deegaanka Leego.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 4-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal ka sameyeeyay Deegaanka Leego ee ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa intii ay ku guda jiren howlgalka waxay gacanta ku soo dhigeen Maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab xili ay ku jireen dhagrida Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale ciidanka Kumaandooska ee Danab ayaa waxay ka wadaan Gobolka Shabeelada Hoose hawlgalo Lagu baacsanaayo Argagixisada Al-Shabaab.

Shalay ayay aheyd markii Ciidanka dowladda Federaalka ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaana la qabtay, iyaga oo miino ku aasayay inta u dhexeeysa deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Previous articleAxmed Madoobe oo maanta kulan la yeelanaya Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.