Ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga oo xiray Tahriibayaal ay Soomaali ka mid tahay.

Ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga ayaa xiray Tahriibayaal u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Afghanistan, Hindiya, Pakistan Siiriya iyo Iiraan, waxay ku howlanayeen inay ka gudbaan biyaha dalkaas uu la wadaago Giriigga.

Booliiska Turkiga ayaa dadkaan ku haya Degmada Kumluca ee Gobolka Xeebta ah Antalya, mana soo bandhigin qorshaha xiga ee tallaabada ka dhanka ah Tahriibayaashaan u qorsheysan Dowladda Turkiga.

 

Wakaaladda Wararka u faafisa Turkiga ayaa sheegtay in Ciidamada howlgal ay sameeyeen u suura-gashay soo qabashada dadkaan gaaraya 165-ta ruux ee heysta dhalashooyin dalal kala duwan.

Ujeedka Tahriibayaasha ayaa ahaa inay ka gudbaan biyo xuduudeedka u dhaxeeya Turkiga iyo Giriigga si ay usii galaan safar kale oo ay isaga gudbayaan wadamada Yurub oo damacoodu yahay saldhigashada wadamo ay u arkaan in ay ka nolol wanaagsan yihiin dalalkooda.

Turkiga ayaa diiwaangeliyay in dad dhan 15,535 oo qaxooti Tahriibayaal ah, kaliya sanadkaan 2020 ayay galeen gudaha dalkaas, iyaga oo doonaya in ay uga sii gudbaan wadanka Giriigga si ay ugu sii tallaabaan safarkooda dalalka kale ee Qaaradda.

 

Sanadkii 2019-kii, guud ahaan tahriibayaasha galay Turkiga waa 29,279.-ruux, waxaana la saadaalinayaa in tirada sanadkaan ay ka badbaanayaan kuwii hore, maadaama si indho qabad ah Muhaajiriinta u galayaan ciidda Turkiga.

Dhanka kale waxaa intaas dheer, Turkiga oo martigeliyay ku dhawaad 4 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah kana gudbay Soohdinta labada dal, dhawaan ayuu wadamada Yurub ugu goodiyay in uu kusoo fasaxayo qaxootigaas iyo kuwo kale haddii ay go’aansadaan in ay waxyeeleeyaan danaha Xukuumadda Ankara.