Dagaal Culus oo saaka ka dhacay Degmada Balcad

Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku warramaya in saaka halkaas uu ka dhacay dagaal culus kadib markii ay weerar ku soo qaadeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in dagaal xooggan uu ka dhacay gudaha Magaalada Balcad kaasi oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab islamarkaana uu ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacleh.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca Dagaalkaas ayaan weli laga helin xog sugan waxaana ka soo baxaya warar is khilaafsan.

Goob-joogayaal ku sugan Balcad ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay Ciidamada Dowladda ka qabsadeen xaafado ka tirsan Balcad balse markii dambe ay dib ula wareegeen Ciidamada Dowladdu kadib markii Al-shabaab isaga baxeen.