Maxkamad Ku Taalla Sacuudiga oo Xukun Ku Ridday Rag Ku Eedeysnaa Dilkii Wariye Khashoggi

RIYAD(DOOXO NEWS)-Maxkamad ku taalla dalka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday xukun ay ku khafiifinayso xukun dil ah oo ay horay ugu ridday 5 nin oo ku eedeysnaa dilkii weriye Jamaal Khashoggi.

Maxkamadda ayaa sheegtay in raggan oo horay ugu xukunnaa dil ay haatan ku xukuntay min 20 sano oo xarig ah.

Maxkamadda ayaa khafiifinta xukunkii hore ku macnaysay in ay salka ku heyso cafis ay eedeysanyaashu ka heleen qoyska marxuumka.

Haweeneydii u doonnayd weriyaha la dilay, Hatice Cengiz ayaa xukunka cusub ee ay maxkamaddu soo saartay saluugtay iyada oo ku tilmaantay mid meel ka dhac ku ah caddaaladda.

Xeer ilaalinta guud ee garsoorka dalka Sacuudiga ayaa sheegay in xukunkan uu yahay kan kama dambeysta ah ee ay muteen raggii ku eedeysnaa khaarijinta weriya Khashoggi iyada oo dilkaas ku tilmaantay mid aan ula kac ahayn.

Diseembar 2019-kii garsoorka Sacuudiga ayaa xukun dil ah ku riday 5-tan nin ee ku eedeysnaa dilka weriyaha.

2-dii Oktoobar 2018-kii ayay ahayd markii weriye Jamaal Khashoggi lagu dhex khaarijiyay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay dalka Turkiga.

Khashoggi oo 59- jir ahaa ayaa sanadihii ugu dambeeyay intii aan la dilin ka hor si magangelyo ah ugu noolaa dalka Mareykanka kaddib markii uu ka biyo diiday siyaasadaha gurracan ee dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.