Shabaab oo xalay qabsaday degmada Balcad iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladda

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay degmadaasi ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Dad ku sugan Balcad ayaa xaqiijiyey in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen, islamarkaana saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta afar Xaafadood oo ka mid ah kuwa degmada.

Waxaa jira dad rayid ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay dagaalka, oo ay ka mid aheyd haweenay dhaawac culus uu gaaray.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Al-Shabaab ay saldhiga degmada Balcad kasii daayeen maxaabiis gaaray tobanaan oo eedeymo kala duwan ugu xirnaa halkaas.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigeen xarunta maamulka degmada Balcad, saldhigga Booliska, xabsiga dhexe iyo dhammaan koontaroollada lagasoo galo magaalada.

Ciidanka dowladda ayaa saaka dib ula wareegay magaalada ka dib markii ay ka baxeen Al-Shabaabkii xalay weerarka kusoo qaaday.

Degmada Balcad oo 30 Km dhanka waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ayaa bilihii tegay bartilmeed u ahayd kooxda Al-Shabaab oo ka fulisay weeraro kala duwan.

Maamulka degmada ayaa marar badan dowladda federaalka ka codsaday inay soo dirto ciidamo magaalada iyo gobolkaba ka xoreeya Al-Shabaab, balse cidna ma dhageysan baaqooda.