Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in baqdin la soo deristay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.
Baqdintan ayaa waxay ka dhalatay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Webiga Shabelle ee mara Gobolada Koonfurta Somaliya uu markale sanadkan fatahaado ka gaysan doono magaaladaasi.
Webiga oo dhex mara Magaalada Beledweyne ayaa waxay dadka deegaanka ka baqdin qabaan in uu si weyn ugu fataho labada daamood ee magaalada, waana mid markale dadka reer Beledweyne ku riixeysa inay guryahooda isaga barakacaan.
Webiga ayaa xilligan bilaabay inuu ku fataho qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne, inkastoo aysan fatahaaddu ahayn mid daran, hadana waxaa laga cabsi qabaa in maalmaha soo socdo ay xoogeystaan.
Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in qoysaska ku dhaqan xaafadaha Xaawo Taako, Kooshin, Hawlwadaag iyo Buundoweyn ay qaarkood maanta bilaabeen inay magaalada ka barakacaan.
Xaaji Cismaan Dhagaxow Haruur, Gudoomiyaha Guddiga Kahortagga Fatahaadaha Beledweyne ayaa sheegay inay isu deyayaan inay moosaan karkaarada uu jabsaday webiga.
Roobabka mahiigaanka ee xilligan ka da’aaya buuraleyda dalka Itoobiya ayaa laga digay inay ka dhalato fatahaado xoogan, oo uu sameeyo Webiga Shabelle, ee mara Gobolada Hiiraan, Shaballaha Dhexe & Shabellaha Hoose.