Bruno Fernandes oo ammaanay Cristiano Ronaldo kaddib guushii ay ka gaareen Sweden

(Yurub) 09 Seb 2020. Kubad sameeyaha kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Portugal ee Bruno Fernandes, ayaa ammaanay weeraryahanka naadiga Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Hadalka Bruno Fernandes ayaa wuxuu yimid kaddib markii uu Cristiano Ronaldo xalay 2 gool ka dhaliyay xulka Sweden, isagoo u horseeday inay gaaraan guushooda labaad ee tartanka UEFA Nations League.

Xulka qaranka Portugal ayaa guul kaga gaaray dhigooda Sweden 0-2, kulankooda labaad ee tartanka UEFA Nations League, Cristiano Ronaldo oo dhaliyay labada gool, ayaa gaaray goolkiisii 101-aad ee xulkiisa qaranka Portugal.

Bruno Fernandes ayaa kaddib markii ay ciyaarta dhamaatay wuxuu si weyn u ammaanay saaxiibkiis Cristiano Ronaldo, wuxuuna yiri:

“Waan ognahay in joogitaanka Cristiano Ronaldo ay fududahay in la gaaro goolka, had iyo jeer wuxuu leeyahay hami gooldhalineed, wuxuuna awood u leeyahay inuu go’aamiyo kulamada waqti kasta”.

“Wixii dhacay kahor nasiinada waa cadeynta ugu fiican ee awooda Ronaldo ee ah inuu isbedel sameyn karo”.

“Waa wax weyn joogitaankiisa xulka qaranka Portugal, sidoo kale joogitaankiisa koox kastana waxay kordhisaa awoodiisa”.

“Si wanaagsan ayaan ula macaamilnay ciyaarta oo waxaan ogaanay sida looga faa’iideysto fursadaha aan ku helnay goolka kooxda naga soo horjeeday, waxaanna dhalin karnay goolal intaas ka badan, laakiin ugu dambeyn waan ku faraxsanahay inaan guuleysanay, waxa ugu muhiimsan ee aan gaarnay ayaa ah inaan hoggaamineyno group-ka”.