Iyadoo wali xanibaad ay saaran tahay Qaadkii Kenya ay u dhoofin jirtay Somaliya, kadib markii dowladda Federalka Somaliya Shuruudo adag ku xirtay dib u furida hawlaha Ganacsiga qaadka ayaa dowladda Kenya waxa ay sheegtay inuu socdo wada hadal ku saabsan Suuqa Jaadka ee Somaliya.
Madaxweyne Ku xigeenka dalka Kenya William Ruto, ayaa sheegay dowladda Federalka Somaliya inay wada hadal kagala jiraan arrintaasi, inkastoo uu sheegay in arrimo doorasho Somaliya ay ku soo food leeyihiin.
“Haseyeeshee, hadda waxaa soconaya wadahadallo si aan xal ugu helno arrintaasi oo aan u kala qaadno arrinta dacwadda badda oo aan gooni u dhigno iyo arrinta ganacsiga u dhaxeeya labadani dal. Dhibaatada ugu weyn ee hadda soomaaliya ka jirta ayaa ah in hadda qof kastaa uu cod raadinayo.”
“Waxaa dhacday xoogaa is-fahan la’aan ah oo u dhaxeeya dowladda Kenya iyo tan Soomaaliya sababa aan xiriir la lahayn arrimaha jaadka. Waad ogtahay arrimo la xiriira xudduudda ayay maxkamad noo geeyeen. Sidaa awgeed, waxay isku dayayaan in ay naga xiraan suuqa jaadka si ay shuruud uga dhigaan muranka xudduudda ee nagala dhaxeyso.”
Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa sheegay in xal u helidda xayiraadda jaadka ay la sugi doonaan dowladda cusub ee imaan doonta, maadaama sida uu sheegay Soomaaliya xilligan ay ka jiraan arrimo doorasho.
“Waxaa ku soo wajahan doorasho. Waad ogtahay marka ay doorasho jirto, xaaladda ayaa aad u kacsan tahay. Dadkii ay ahayd in ay go’aan ka gaaraan dhibaato ayaa haysata oo ma jiro qof doonayo in uu go’aan cad qaato, waayo cod ayay raadinayaan.”
“Marka waxaan rumeysannahay in haddii arrinta doorashada ay dhammaato dalka Soomaaliya, waxaa noo suurtageli doontaa in aan helno dowlad aan la hadalno oo aan soo celinno suuqii qaadka oo aan horumar ka gaarno haddii aanu nahay Kenya. Tan kale waxay tahay waa muhiim in aan helno badeecooyin kale oo aan qaadka uga maarmi karayno.” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Kenya.