Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Batuulo Gabale (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa Magaalada Muqdisho kula kulmay Batuulo Sheekh Axmed Gabale, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, Madaxweynaha ayaa hoyga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Batuulo Sheekh Axmed Gabale iyo haween kale, oo la socday.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale iyo qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Deni ayaa weli Magaalada Muqdisho ka wada kulamo gooni gooni ah, tan iyo markii uu soo gaaray 1-dii bishan September.