Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay magaca hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn 25-kii August ka dhacday Koonfurta Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Cabdulqaadir Yarow Cusmaan oo loo yaqiin Cabdulqaadir Kumandoos lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe.
Mareykanka waxay sheegeen in Cabdulqaadir Kumandos uu xilal badan ka hayey ururka Al-Shabaab, isaga oo dhowaanahan ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidanka Al-Shabaab.
“Howl-galladeenna sida duqeyntan oo kale oo laga fuliyey xudunta Al-Shabaab waxay muhiim u yihiin in la wiiqo awoodooda ay ku faafin karaan qaska iyo rabshadaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan,” waxaa sidaas yiri taliyaha ciidamada AFRICOM Stephen Townsend.
Cabdulqaadir Kumaandos ayaa taliye ka ahaa ciidamadii Soomaaliya ee xilligii Maxamed Siyaad Barre, halkaasi oo magaca Kumaandos uu ka qaatay.
Waxa uu horraantii sanadihii 2000 ku biiray maxkamadihii Islaamka, wuxuuna kadib ka mid noqday aas-aasayaashi ururka Xizbul Islaam. 2011 ayaa Kumaandos iyo Xizbul Islaam waxay la midoobeen Al-Shabaab.
Cabdulqaadir Kumaandos ayaa ah sarkaalkii saddexaad oo sare oo Al-Shabaab oo duqeyn looga dilo sanadlan. 22-kii Febraayo Mareykanka waxay dileen Bashiir Qoorgaab oo ah taliye militari. Sidoo kale 2-dii April waxaa la dilay Yuusuf Nuur Sheikh Xasan oo loo yaqaanay Yuusuf Jiis.