Wasiir Maareeye oo la kulmay Saxafiyiinta ka cabaneysa Xeerka Saxaafadda

Sii Hayaha Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qaabilay bahda Saxaafadda iyo ururada metela Warbaahinta dalka qaarkood.

Kulanka ayuu ujeedkiisu ahaa in la dhageysto cabashooyinka ay bahda Saxaafadda ka muujiyeen Xeerka Saxaafadda, oo dhawaan uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiir Maareeye ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala), waxaana geba-gabadii kulanka laga soo saaray Warsaxaafadeed.