Saraakiisha Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyey aqoonsiga hoggaamiyaha sare ee oo katirsan Al-Shabaab oo lagu diley duqeyn 25-kii Ogosto ka geysteen Soomaaliya.
Hogaamiyaha Al-Shabaab ee la dilay oo lagu magacaabo Abdulqadir Commandos, ayaa lagu beegsaday duqeyn ka dhacday agagaarka Saakow.
Sarkalkaan ayaa xilal badan ka qabtay ururka Al-Shabaab.
“Howlgallada duqeyntan waxay muhiim u tahay hoos u dhigista awoodda ay u leeyihiin rabshadaha ka socda Soomaaliya iyo meelo ka baxsan,” ayuu yiri Gen. Stephen Townsend oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika. oo sheegay inay sii wadayaan cadaadiska Al-shabaab.
Tan iyo bishii Jannaayo, Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu qabtay 46 weerar oo cirka ah si loo yareeyo shabakadda al-Shabaab.