Daawo Niman Xagjir ah oo Quraan ku Gubay xaafadda Rinkeby Stockholm

Muuqaal ku jira internet ayaa muujinaya kutubka Quraanka oo lagu gubay xaafadda Rinkeby. Bileyska ayaa imminka diyaariyay dacwad naceyb ka dhan ah bulsho ama dad.

Muuqaalka video ga ah ee la soo dhigay barta ayaa waxaa ka dhex muuqda ruux gaari ku wada Rinkeby kaasi oo ka degaya gaariga suuqa Rinkeby deetana gubaya Quraan, isagoona ugu baaqaya dadka in ay u codeeyaan xisbiyada neceb Islaamka.