Dhacdo Culus oo Muslimiin Nacayb ah oo ka dhacday maanta Dalka SOUTH AFRICA.

Sheeko la yaab leh oo Muslim-naceyb la xiriirta, ayaa maanta ka taagan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika, kadib markii Nin caddaan ah oo Niqaab ama Xijaab wajiga kusoo qarsaday uu Weeraray Haweeney Muslimad ah.

Asheeqa oo 28 sano jir ah, ayaa iminka ka baxday dhaawac ay la miir daboolantay oo loogu gaystay Xaafadda Paarl, waxayna markii ay soo naaxsaday sheegtay in iyadoo kusii jeedda goob ganacsi oo Walaalkeed leeyahay ay ka war heshay Nin ku qeylinaya “Heey Muslim Qashin ah baad tahay, isagoo isku dayey inuu Xijaabka iga qaado, dhagax ayuu ila gafay, balse markii dambe Dhalo ayuu Wajiga iiga dhuftay” ayey tiri Asheeqha.

Boliiska, ayaa dhacdadani baaritaano xooggan ku samaynaya iminka, iyadoo Golaha Muslimiintana war kasoo saari doonaan.
Abdulrazak IndhaJaceyl