Wararka laga helayo dhowr degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan iney hoobiyayaal kusoo dhaceen, welina lamasoo sheegin wax khasaaro ah.
Hoobiyayaasha ayaa ku dhacay meelo kamid ah degmooyinka Xamar jajab, Warta nabadda iyo Xamarweyne.
Ma jiraan illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay laammaha ammaanka ee caasimadda.
Hoobiyayaashan kusoo dhacay degmooyinka seddexda ah ayaa kusoo aadaya xilli guud ahaan madaxda maamul goboleedyada dalka kusugan yihiin Muqdisho, waxaana lagu wadaa in sabtida ay kulan ku yeeshaan aqalka madaxtooyada.