Lafta-gareen oo ugu dambeen la kulmay Gudoomiyaha G/shacabka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabcasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa muddo ka dib waxaa uu xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka ku booqday hoyga uu ka deganyahay Villa Hargeisa, oo ku dhex taala Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu salaan ugu tagay Gudoomiye Mursal, ka dib in muddo ah oo uu xiriirkoodu xumaa.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay yeesheen kulan dhawr saacadood qaatay, isla-markaana ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Labada Masuul ayaa qaatay kulan saacado dhawr ah socday, oo ay iska xog wareysanayeen xaaladda siyasadeed ee ka jirta dalka, sida arrimaha doorashooyinka, amniga iyo dadaalada horumarineed, ee ay ku tallaabsatay Dowladda Koonfur Galbeed. Maxamed Mursal, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Madaxweyne Lafta-gareen uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimid, waxaana uu boggaadiyay doorka uu ka qaadanayo Shirka Wadatashiga ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Waa markii ugu horeysay oo labada dhinac ay si fool ka foola isu soo hor fariistaan. Marar badan Warbaahinta ayaa ku warantay inay ku loolamayaan arrimaha siyaasadda ee Koonfur Galbeed.