Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay maqaaxi ku taalla magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Qaraxa ayaa waxa uu ahaa mid xoog badan, waxaana laga maqlay jugta qaraxaas dhammaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Ceelwaaq.
Wararka ayaa sheegaya in goobta uu qaraxa ay aheyd maqaaxi inta badan ay fadhiisan jireen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ilo madax bannaan oo ay la hadashay HOL ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay billaabeen howl-gallo xooggan oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka, xogta ayaa intaas ku dareysa iney askarta ay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo la tuhmayo iney ka dembeeyeen qaraxaas.