Real Madrid oo badelka Gareth Bale ka dhex aragta kooxda Manchester City

(Madrid) 11 Sebt 2020. Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada dalka Spain kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xiiseynysa inay la soo saxiixato xiddiga naadiga Manchester City ee reer Algeria Riyad Mahrez, inta lagu gudi jiro suuqan kala iibsiga ee xagaaga.

Real Madrid ayaa dooneysa inay xagaagan si walba ay ku qaadaro ay ka takhalusto laacibka reer Weles ee Gareth Bale, kooxda ayaana ka fikireysa inay la soo saxiixato badelkiisa, waxayna doorteen Riyad Mahrez oo qaab ciyaareed aad u fiican ku qaatay Man City xilli ciyaareedkii hore.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa xaqiijiyay inuusan dhameystiri doonin heshiisyo waa weyn suuqan xagaaga isla markaana uu diirada saari doono iibinta ciyaartoy badan sababa la xiriira dhibaatada dhaqaale ee ka dhalatay caabuqa Korona, laakiin tani macnaheedu maahan inaysan macquul aheyn in la soo gabagabeeyo. heshiis muhiim ah haddii loo baahdo.

Shabakada “Defensa Central” oo soo xiganeysa “Foot mercato” ee dalka France ayaa sheegtay in kooxda Real Madrid ay durbaba la xiriirtay wakiilka Riyad Mahrez, si ay ugala hadasho suurtogalnimada uu ugu wareegi karo garoonka Santiago Bernabeu.

Riyad Mahrez ayaa heshiiska uu haatan kula jiro kooxda Manchester City wuxuu dhacayaa xagaaga 2023 laakiin ma diidayo inuu ka tago Sky Blue, gaar ahaan maadaama uusan ciyaarin inta badan kulamada, wuxuuna la kulmi doonaa tartan adag oo ku aadan booskiisa xilli ciyaareedka cusub kaddib imaatinka Ferran Torres, iyo marka lagu daro Bernardo Silva oo ka ciyaari kara booskan sidoo kale.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay inay weli dhiman tahay in la ogaado go’aanka kooxda Manchester City ee ku aadan iibka xiddiga reer Algeria, kaasoo ciyaaray 50 kulan xilli ciyaareedkii tagay, isagoo dhaliyay 13 gool, isla markaana sameeyay 16 gool caawin.