(London) 11 Sebt 2020. Chelsea ayaa ku wajihi doonta kooxda Brighton Isniinta soo socota kulankeeda koowaad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka cusub, waxayna u baahan yihiin inay helaan saddexda dhibcood, si ay kaga caawiso arrintaas inay kolsooni helaan dhamaan kulamada kale, gaar ahaan kaddib markii ay la soo saxiixdeen xiddigo heer sare ah sida Hakim Ziyech, Timo Werner iyo Kai Havertz.
Haddaba tababare Frank Lampard ayaa xaqiijiyay intii lagu gudi jiray shir jaraa’id uu maanta ka soo muuqday in xiddigaha Hakim Ziyech,, Ben Chilwell iyo David Silva ay seegayaan kulanka ugu horreeya kooxda Chelsea ay kaga daahfurandoonto Premier League xilli ciyaareedka cusub.
Lampard ayaa tilmaamay in Hakim Ziyech iyo Ben Chilwell ay la ildaran yihiin dhaawac waxaana laga yaabaa inay ku qaadato labo isbuuc, si ay kaga soo muuqdaan kulankooda ugu horreeya maaliyada Blues ee horyaalka Premier League.
Hakim Ziyech ayaa dhaawac ka soo gaaray dhanka Jilibka kulankii saaxiibtinimo oo ay wada ciyaareen kooxaha Chelsea iyo Brighton 11 maalmood ka hor, halka Ben Chilwell uu ku soo biiray Blues isagoo dhaawac ah, maadaama uu dhaawac dhanka ciribta ah soo gaaray dabayaaqada xilli ciyaareedkii hore.
Dhinaca kale tababare Frank Lampard ayaa sheegay in David Silva uusan weli wax tababar ah la qaadan a Chelsea, sidaas darteedna uusan diyaar u aheyn inuu wajaho kooxd Brighton Isniinta soo socota.