Wararkii ugu dambeeyay xaaladda ka dhalatay kufsigii iyo dilkii Xamdi Maxamed (DAAWO VIDEO)

Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inay si adag uga dhiidhiyaan kufsigii iyo dilkii maalin ka hor Magaalada Muqdisho loogu gaystay Xamdi Maxamed Faarax.

Dadweyne ka careysan falkaasi ayaa maanta isugu soo baxay afaafka hore hotelkii lagu kufsaday, lagana soo tuuray marxuumadda, iyagoo markaasi muujinaya dareenkooda ku aadan.

Xamdi Maxamed ayaa Jimcihii lagu kufsaday hotelkan oo ku yaala xaafadda 1da Maajo ee Degmada Waaberi, iyadoo kufsiga ka dibna la sheegay in dhismahaasi laga soo tuuray.

Dadweynaha isu soo baxa sameeyay ayaa la arkaayay iyagoo dhegxaan ku tuuraaya hotelkaasi, sidoo kalana taayeero ku horgubaaya afaafka hore ee dhismahaasi, waxayna ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo muujinaya inaanu dalka garsoor sax ahi ka jirin.

Tani ayaa waxaa soo dedejisay ka dib markii odayaasha ku heybta ah ragga falkaasi loo hayo ay qoyska marxuumadda ka dalbadeen in dhacdadaasi lagu xaliyo gogol iyo xeer jajab.

Bannaanbaxayaasha oo ay horkacayeen ehelada gabadhaasi ayaa Warbaahinta la hadlay, waxayna Dowladda Federaalka ka dalbadeen inay cadaalad hesho gabadhooda.

Inkastoo Ciidanka Booliska ay falkaasi u soo xireen afar nin ayaynaan haweenka Gobolka Banaadir ku kalsoonayn baaritaanka ay wadaan laamaha ammaanka, xilli ay ka walaacsan yihiin inaanu baaritaanku u dhicin, sidii loogu talagalay.

Waxaa jira warar sheegaya in maanta odayaal ku heyb ah xubnaha la soo xiray, ay taggeen Xarunta Hay’adda Dembi Baarista (CID) ee Magaalada Muqdisho, si ay ugu muujiyaan inay garab taaganyihiin.

Sii Hayaha Wasiirka Haweenka & Xuquuqul Insaanka, Deeqa Yaasiin ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in kufsaday Xamdi Maxamed, ka hor intii aan la dilin. Wasiiradda waxay warka ku sheegtay in tacaddi fool xun lagula kacay gabadhaasi Soomaaliyeed.

Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in qof kasta ka qayb qaato, sidii loo ilaalin lahaa sharafta haweenka Soomaaliyeed.

“Haddii waxba laga qaban-waayo oo qof walba indhaha ka fiirsado masuuliyaddii la qaadan-waayo, qof walbana meeshii kaga aadan ka qaadan-waayo, bulshadii ayaa wada baaba’eysa doontiina way kiideysaa, oo baddii ayay hoos u galeysaa. Marka qof kasta oo qayb ka noqon kara badbaadinta dumarka, badbaadinta gabdheena sharafta badan ee xumaatadaas ay ku dhaceyso, runtii waajib weyn waxaa saaran inuu badbaadaas qayb ka noqdo.” Ayuu yiri Sheekha oo la hadlay Radio Kulmiye.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir, Jawaahir Maxamuud Jaamac (Jawaahir Baarqab) oo la hadashay BBC ayaa ku baaqday in Xamdi Maxamed ay hesho cadaalad.