Wasiir Goodax oo la kulmay Guddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka

Sii hayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre  ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda waxbarashada  guddiga dalladaha waxbarashada dalka.

Kullanka ayaa ku saabsanaa  dib-u-eegista iyo horumarinta waxbarashada iyo in ay dalladadaha ka qeyb-qaataan dadaallada ay Wasaaraddu ku tayeyneyso waxbarashada dalka.

Sii hayaha wasiirka waxbarashada xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kula dar daarmay in dalladaha ay dowladda kala shaqeeyaan sidii kor loogu qaadi heerka waxbarashada dalka iyo in sidii loogu talagalay loo dhaqan galiyo Manhajka ay dowladda Soomaaliya soo diyaarisay maadaama la dhameystiray manhajka ee uu hada yahaya dugsiyada Hoose,Dhexe iyo sare.

 

Previous articleGuddiga Maaliyadda Golaha shacabka oo maanta kulan yeeshay.
Next articleSilvia Romano: Gabadhii Talyaaniga ee Muslimtay oo u istaagtay la dagaalanka Islaam naceybka