Tan iyo wixii ka dambeeyay markii la riday Xukuumadii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, islamarkaana Wasiirada ay noqdeen kuwa xil sii gaarsiin ah, ayaa Wasiirada la waayay oo Xarumaha Wasaaradahood aan tagin waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya Cabdi Maxamed Sabriye & Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxaana la wareegay shaqooyinkooda xubno kale.
Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliya oo ah Wasaarad wayn, islamarkaana shaqooyin kala duwan ay ka socdaan, ayaa hawsha waxaa si toos ah ula wareegay Agaasime KMG oo aanan ku jirin liiska Shaqaalaha Rayidka Dowladda, sida Dooxo.com ay ogaatay.
Agaasimahan oo lagu magacaabo Cali Maxamed Cismaan ayaa si KMG waxaa xilka sii haynta Agaasimaha guud ee Wasaaradda u magacaabay Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye, kadib markii shaqada laga joojiyay Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradaasi.
Cali Maxamed Cismaan ayaa la sheegay inuu bilaabay ka daba shaqeynta Wasiirkii xilka sida KMG ugu magacaabay Agaasimaha Wasaaradda, waxaana uu Agaasime Cali hadda kala wadaa hawsha Wasaaradda Arrimaha gudaha isaga oo shirarka ka sheega in aanan loo baahnayn Wasiirka Wasaaradda.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya Cali Maxamed Cismaan qaabka Wasaaradda lagu keenay markii hore ay tahay la Taliye, waxaana wararka ay sheegayaan inuu Mushaar ka qaato Hay’adda UNDP, sidoo kalena Mushaar uu ka qaato dowladda.
Waxaa jira Wasaaraddo kale oo sidan oo kale hawshii Wasiirka ay u hayaan Agaasimayaal qaarkood KMG yihiin, taasi oo ka hor imaanaysa sharciga Shaqaalaha Rayidka ee dowladda Somaliya ay ku shaqeyso.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya ayaa lagu tiriyaa Wasiiradii aadka ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre.