Saaxiibbada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyay dib u bilaabaabashada Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo maalintii sadexaad ka socda magaalada Muqdisho.
Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa Madaxda ka qeybgaleysa shirka ugu baaqay inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo, lana hirgelin karo.
“Saaxiibbadu waxay rajeynayaan in saamilayda siyaasadeed ee kale ee Soomaaliyeed ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen saaxiibada Beesha Caalamka ee safaaradaha ku leh Soomaaliya.
Ugu danbeyn Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa madaxda Soomaaliyeed ee shirka ka qeyb galeysa ugu baaqay inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan.
Shirka wadatashiga dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maalintii sadexaad ka soconaya magaalada Muqdisho waxaana la filayaa in shirkan looga heshiiyo hannaanka doorasho ee uu dalka aadayo 2020-2021.