VILNIUS (HALBEEG) – Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Belarus ee musaafurinta uga maqan dalkeeda haweeneyda lagu magacaabo Tikhanovskaya, ayaa sheegtay in is casilaadda Madaxweyne Lukashenko ay tahay mid shuruud ah si loo qabto doorasho xor ah.
“Lukashenko waa in uu Belarus u horseedin dagaal dhiig ku daato, annaga waxaa dooneynaa Belarus kale iyo Madaxweyne Kale” ayey tiri Tikhanovskaya iyadoo u warrameysay France24.
Waxa ay wax laga xumaado ku tilmaantay kulankii dhowaan dhexmaray Madaxweynaha Ruushka Mr Putin iyo hoggaamiyaha xilka ku raagay ee Belarus Alexander Lukashenko.
“Waan ka xumahay in xilligan Madaxweyne Putin uu u weecdo dhanka kaligii taliyaha uuna ka janjeersado shacabka” ayey tiri Tikhanovskaya.
Hoggaamiyaha mucaaradka oo musaafurin uga maqan dalkeeda Waxa ay meesha ka saartay in Ruushka uu hadda qorsheynayo in dalkeeda uu ku sameeyo faragelin dhanka milatariga ah siduu horyaba ugu sameeyay Ukraine waxa ay ku celcelisay in dhibaatada dalkeedu ay tahay mid gudaha ah una taalla dadka reer Belarus.
Waxay meesha ka saaraty in xiiir rasmi ah ay la yeelatay saraakiil ajnabi ah, balse iyada iyo hoggaamiyeyaaasha kale ee mucaardku kulan la qaateen saraakiil Ruush ah.
Svetlana Georgiyevna Tikhanovskaya ayaa dalkeeda laga musaafuriyay Seygeedana xabsiga loo taxaabay kaddib markii ay mucaaradad weyn kala hortimid Madaxweynaha muddada ku dhow 30-ka sano ka arriminaya dalkaas ee Alexander Lukashenko.