Madaxweynaha Galmudug oo maanta hortagaya Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta oo  Talaada ah hortagaya Golaha aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha  Golaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku war-geliyay Senatorada in kulanka maanta uu mihiim yahay,  islamarkaana uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa xubnaha aqalka sare la wadaagi doona xaaladaha Galmudug , safaro uu ku kala tagay magaalooyinka Jabuut  , iyo Nairobi

Waxa  sidoo kale Madaxweynaha Galmudug khudbadiisa uu ku soo hadal qaadi  doona hadallada- Dowladda iyo Dowlad goboleedyada  ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka

Hore aqalka sare waxa u tagay oo khudbad ka jeediyay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo  Jubbaland Saciid Cabdulllaahi Deni iyo Axmed Madoobe , waxa uu noqonayaa Madaxweynihii seddaxaad oo hortaga Golaha aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya