“Mohamed Salah wuxuu ku socdaa wadadii Cristiano Ronaldo” – Gary Neville

Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville ayaa ammaanay xiddiga Liverpool ee Mohamed salah kaas oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul adag oo ay ka gaareen naadiga Leeds United.

Liverpool ayaa guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Leeds United garoonka Anfield, kulankeeda ugu horeeyay horyaalka Premier League kal ciyaareedkan 2020-21, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-3.

Salah ayaa bandhig aad u fiican sameeyay inta ay ciyaarta socotay, wuxuuna ku guuleystay in kulankan uu ka dhaliyo saddexleey.

Gary Neville oo tilmaamay isbar-bardhiga u dhexeeya Mohamed Salah iyo Sadio Mane xilli ciyaareedkii hore ee kooxda Liverpool, ayaa wuxuu yiri, sida uu daabacay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England.

“Ciyaartoyda way jecel yihiin Sadio Mane, wuxuu iska ilaabay naftiisa kooxda darteed, halka Salah uusan baasin, inta badana uu yahay anaani, waxaana banaanka ka arkaa inuu yahay ciyaaryahan dilaa ku ah garoonka dhexdiisa”.

Gary Neville ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku sii daray isagoo tilmaamay saaxiibadiis hore ee kooxda Manchester United:

“Tani waxay i xasuusinaysaa Ronaldo iyo Rooney, waxaana qabaa in Salah uu dhaafi doono Mane”.

“Sababta ay ciyaartoydani u kala duwan yihiin ayaa ah inay wax uun maskaxdooda ku jiraan markay guryahooda aadaan habeenkii, iyo inay noqdaan kuwa adduunka ugu wanaagsan, waana waxa xukuma adduunkooda”.

“Mohamed Salah iyo Sadio Mane waa nooc ka mid ah ciyaartoyda u dagaalamaya kooxahooda”.