Barasaabka Gaarisa Cali Bunow Qorane oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta lacag dhan 233m oo shilinka Kenya ah, ayaa heli doona xoriyadiisa hadii uu bixiyo damiin lacageed oo dhan Sh3.25 million, sida lagu sheegay go’aan kasoo baxay maxkamada Nairobi.
Waxaa lagu eedeeyay sideed dambi oo ay ka mid yihiin, inay si ula kac ah ugu hogaansami waayeen sharciyada la xiriirta maareynta lacagaha iyo ku takrifalka hantida dadweynaha.
Dhammaantood waxay beeniyeen eedeymaha loo haysto ee ka soo yeeray madaxa garsoorka ee maxkamadda la dagaallanka musuqmaasuqa dalka Kenya.
Masuuliyiinta la xiran gudoomiyaha Gaarisa ayaa Midkiiba waxaa lagusii deyn doonaa damiin lacageed oo dhan Sh1.2 milyan.
Qaadiga maxkamada Ogoti ayaa u diiday inay dib ugu laabtaan xafiisyadooda waxaana lagu amray inay baasabooradooda ku xareeyaan maxkamada.
Cali Bunow ayaa noqonaya gudoomiyihii lixaad ee laga hor istaago inuu dib ugu laabto xafiiska sababo la xiriira musuq maasuq.